Socdaal dhaqamed

OnLine !

Nous avons 22 invités et 1 membre en ligne
  • Geraldzoog
View Video
View Video
View Video
View Video
View Video
View Video
  • Ku soo dhawaada
  • War-bixiin
  • Ugaaska
  • Ugaas Mustafa iyo Ayshaca


Ku soo dhawaada bogga

 

Interneetka ee Ugaaska Ciisaha.

 

Walaalaya
Kala soocda sawiradii ku soo laabankii  
Ogaas Mustaffe Maxamed Ibraahim
ee itoobia

WAA KUMA UGAAS MUSTAFE

News image

Ugaas Mustafe Maxamad  Ibraahim Ugaas Wacays   waxa uu ku dhashay Magaalada Diri Dhaba (Itoobia) sanadkii 1992.  Waxana uu ku Barbaaray isla Magaaladaasi halkaas ayuu ka bilaababay  Waxbarashadiisii  Aasaasiga ahayd  Dugsiga  Xaaji Cali . Dabadeed waxa oo uu uga gudbay Dugsiyada kale ee ku yaala Diri Dhaba  oo uu dhiganayey  Fasalka Toddobaad  . Ugaas Mutafa  waxa...

Ugaaska 19aad | OBO | Mercredi, 13 Janvier 2010

La suite

Ugaas Mustafa iyo wafdigii uu hogaaminayey oo soo gaadhay Ayshaca

Wararka naga soo gaadhaya Ayshaca ayaa sheegaya in ugaas Mustafe iyo  wafdigii wehelinayey soo gaadheen saaka  xarun dhaqameedka Sitti . Wafdiga ayaa maalintii Isniintii ka soo baxay Diridhaba soona  gaadhay mille halakaas  oo lagu qabtay shir wada tashi. Ka dib Ogaasku iyo wafdigiisu waxay u gudbeen Salaasadii xarun Dhaqameedka Habaqo....

War Degdeg Ha | Administrator | Jeudi, 24 Décembre 2009

La suite

 


Habeenimadii  Khamiiseed ee bisha sebtambar ahayad 23 kuna beegnayd 14 bisha Shiwaal ayuu Ugaas Mustafa Maxamed Ibraahim ku aqal galay magaalada Diridhabe ee da lka Itoobiya, Xaflad aad u balaadhan ayaa munaasabaddaa darteed lagu qabtay fagaare aad u wayn oo ciyaaraha loogu tala galay , waxana halkaa lagu soo ban dhigay ciyaaro dhaqameed , heeso ,gabayo aad loogu bogay .


Munaasabada arooska Ugaaska ayaa lagu marti qaaday martisharaf aad u tiro badan.

Wafdi aad u balaadhan oo ka socday Jabuuti oo uu hogaaminay mudane Maxamed cumar ayaa ka mid ahaa marti sharafta ka qaybqaadatay  arooska Ugaaska , sida oo kale waxa ka qayb galay munaasabadda wafdiyo ka kala socday Qoomiyadaha kala duwan ee ku nool dalka Itoobiya .
Munaasabadda arooska Ugaaska oo aad loo diyaariyey ayaa ahyad mid aad loogu bogay laguna soo ban dhigay ciyaaro dhaqameedyo kala duwan ,waxana halakaa ka hadlay masuuliyiin aad u tiro badan oo u hambalyeeyey Ugaaska iyo oridiisa Hooyo Caasha Cabadee abdi.
Sida la ogyahay  waxa Ugaaska Doonistiisu ka dhacday magaalada Diri dhaba 14kii Bishii Ramdaan oo ku beegnayd 10kii bishii  Sebtember.

waxana todobaadkan ka socday magaalada Diri dhaba booqashooyin lagu tagayey Rugta Ugaasku daganaa oo ay ku qulqulqyeen dadwayne aad u tiro badan oo tahniyado iyo hadiyado gaadhsiinayey Ugaaska.